Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dayax Gacmeed lagu dul qoray Aayad Quraan oo hawada sare loo diray (Sawirro)

Dowlada Iran ayaa ku guuleesatay in hawada sare u dirto Dayax gacmeed milatari, waxaana dayax gacmeedkan dowlada Kacaanka Iran ugu tala galagashay helida xog milatari oo dheeraad ah.

Dayax gacmeedkan ciidamada kacaanka Iran hawada sare u direen oo loogu magac daray Nuur  ayaa lagu dul qoray aayad Qur’aan ah oo inta badan muslimiinta ay akhristaan marka ay safrayaan.

Taliyaha ciidammada Iiraan u qaabilsan arrimaha cirbixiyeenada iyo hawada sare, Janaraal Caamir Ali Hajizadeh ayaa sheegay in dayax gacmeedka ay ka sameeyeen maddooyin dareera ah iyo kuwo adag.

Janaraal Xuseen Salaami oo ah Taliyaha ciidammada ilaalada kacaanka, ayaa  guul weyn ku tilmaamay dayax gacmeedkan haada sare u direen, waxa uuna sheegay inay ku tallaabsadeen guul ay ku xoojinayaan helidda xogo militari oo dheeraad ah.

Wasiirka isgaarsiinta IIraan Maxamed Javad Azari Jahromi ayaa bogaadiyay ciidammada oo uu sheegay in qaranka ay horumar weyn gaarsiiyeen isla markaana barnaamijkan uu yahay mid difaac ah.

Dowlada Iran ayaa horey sidan oo kale hawada sare ugu dirtay dayax gacmeed, waxaana xusid mudan in sanadkii hore Dowlada Iran ku guul dareesatay in hawada sare u dirto dayax gacmeed , waxaana dayax gacmeedkaasi bur buriyay qarax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo war ka soo saartay dagaalkii looga saaray Raaskamboni

Caydiid Ali

WhatsApp oo laga bilaabo maanta aan ku shaqeyn doonin Malaayiin telefoon (Sababta)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo soo bandhigtay Askar ay ku qabteen dagaalkii Sanguuni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---