Dunida waxaa saameyntii ugu xumeyd ku yeeshay caabuqa Caronavirus, waxaana khubarada caafimaadka iyo shirkadaha waa weyn ee sameeya daawooyinka wali raadinayaan daawo u roon cudurka Caronavirus iyo talaal looga hortago cudurkaasi.
Wali lama helin wax daawo ah oo cudurkan leeyahay, waxa ayna dhaqaatiirta iyo khubarada caafimaadka kaliya talo ku bixinayaan in laga feejignaado cudurkaasi lagana hortago in bulshada ku faafo.
Madaxweynaha dalka Madagaskar Andry Rajoelina, ayaa soo bandhigay daawo dhireed uu sheegay in daawo u yahay caabuqa Caronavirus, waxaana daawadan uu soo bandhigay Madaxweynaha u sameesan tahay sharoobo oo kale.
Sharoobada uu madaxweyne Andry Rajoelina sheegay inay dawo u tahay Covid-19 ayaa laga sameeyay dhirta loo yaqaan artemisia ee qeyb ahaan kamid ah daawada lagu dabiibo cudurka malaariyada iyo dhir kale oo ka baxda waddankaasi.
Madaxtooyada Madagaskar ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in daawadan mudo sadex isbuuc ah lagu tijaabiyay 20-qof, waxaana Madaxweynaha sheegay in sharoobadan uu ku tilmaamay shaah dhireed ku caafimaadeed 2-qof.
Madaxweyne Andry Rajoelina ayaa ka sheegay munaasabad uu kusoo bandhigayay daawo dhireedkan in muhiim tahay in dadku isticmaalaan gaar ahaan ardayda si ay uga bad baadaan caabuqa Caronavirus.
Dhinaca kale Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegtay in aanay jirin dawo la xaqiijiyay in lagu dabiibi karo cudurka Covid-19, waxa ayna Hay’adda ka digtay isticmaalka daawadan la sheegay in ay u fiican tahay Covid-19.
Mac-hadka dawooyinka qaran ee Madagaskar ayaa shaki weyn galisay waxtarka daawadan uu Madaxweynaha soo bandhigay, machadka ayaana sheegay in daawadan khatar gelin karto caafimaadka dadka, maadaama aan qaab cilmiyeysan loo hubin waxtarkeeda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com