Rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyay Iiraan inay ka been sheegayso barnaamijkeeda Niyukleerka.
Netanyahu ayaa sheegay iney cadeyn u hayaan in Iiraan ay ku howlan tahay samaysashada hub Niyukleer ah.
Mr Netanyahu oo ka hadlayay telefishinka dalkaasi ayaa sheegay in dalkiisa ay haleen kumannan fayl oo ku saabsan in Iiraan ay si qarsoodi ah u waddo barnaamijkeeda Niyuklerka.
Isagoo soo bandhigay qaar ka mid ah waxyaabahani, waxaana uu sheegay in dokumiintiyadani ay daaha ka rogayaan faahfaahin ku saabsan barnaamijka Niyukleerka Iiran.
Benjamin Netanyahu, ayaa xusay in iyadoo ay jirto in Iiraan ay beesha caalamka kula heshiisay 2015 inay joojinayso barnaamijkeeda Niyukleerka balse hadana ay sii wado horumarinta barnaamijkeeda Niyukleerka.
Wasiirka arrimaaha dibadda ee Iiraan, Javad Zarif, ayaa ku tilmaamay eedeynta cusub ee Israa’iil in ay tahay middii hore oo dib loo soo cusboonaysiiyay.
Iiraan iyo wadamada quwadaha waawayn ayaa 2015 wada saxiixday heshiis ay Iiraan ku joojinayso barnaamijkeeda Niyukleerka taas badalkeedana cunaqabataynta dhaqaale looga khafiifinayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com