Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo gelinkii dambe ee Maanta ku soo laabtay Magaalada Boosaaso ka dib safar uu ku tegay Imaaraadaka Carabta ayaa ka hadlay arrimo kala duwan
Gaas oo shir jaraa’id uu ku qabtay Boosaaso ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedadii u u tegay iyo kulamadii uu la soo qaatay madaxa Imaaraadka Carabta.
Waxa uu sheegay in sababta isaga iyo Wafdigiisa ay u tageen Imaaradka Carabta ay ahayd arimo la xiriira amniga Puntland iyo Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xusay in Wadahadaladii ay la yeesheen Imaaraadka ay guul ku soo dhamaadeen.
Madaxweynaha Puntland ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee maanta loo doortay Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan isagoo ugu baaqay inuu mideeyo baarlamanka kana shaqeeyo danta iyo maslaxada ummada isagoo alle uga baryey inuu waajibaadkiisa la garab galo, isagoo shacabka Soomaaliyeed iyo maamul goboleedyada dalka ka codsaday iney la shaqeeyaan.
Dhinaca kale, waxa uu xusay in dowladda Imaaaraadka Carabta uu kala hadlay wixii kaga aadanaa dhexdhaxaadinta khilaafka kala dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna isku afgarteen in arintaas la sii ambaqaado, si meesha looga saaro mad madowga soo kala dhex galay, loona soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee labada dowladood ka dhexeeyey.
Gaas ayaa ugu dambeyn ka hadlay fatahaada qaar ka mid ah gobolada dalka uu ka geystay Wabiga Shabeelle, gaar ahaan magaalada B/weyne, isagoo shegay inay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka loo sameynayo dadka ku barakacay fatahaadaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com