Inta badan wadamada Africa waxey xoriyadooda qaateen sanadihii 1960dii. Dowladihii waqtigaas ka dhashay Africa waxey u arkeen warshadeyta wadamadooda sida kaliya ee ay iskaga filqikaraan saameyntii gumeysiga ee dhaqaalahooda, islamarkaana ay ku hormarin karaan wadamaddoda. Wadamo badan waqtigaas waxey bilaabeen qorshe lagu hormarinayo warshadaha yar yar si ay uga maarmaan alaabtii dibadaha looga soo dhoofin jiray.
Soomaliya waxey waqtigaas safka hore uga jirtay wadamada qorshahaas ku guuleystay. Waxaa la bilaabay dabayaaqadii sanadihii 1970dii in wadanka laga hergeliyo warshado badan ay ka mid ahaayeen warshadahan koos ku qoran:
1. Warshadii sokorta Jowhar
2. Warshadii sigaarka iyo taraqa
3. Warshadii baastada
4. Washadii hilibka Kismayo
5. Warshadii caanaha
6. Warshadii sifeynta batroolka
7. Warshadii kaluunka Kismayo
8. Warshadii dharka balcad
9. Warashadii sokorta Mareerey
10. Warshadii sibirka Barbara
11. Warshadii kaluunka Laasqoray
12. Warshadii hargaha iyo saamaha
13. Warshadii daawada
14. Warshadii dharka ciidamada
15. Warshadii Cocacola
16. Warshadii saabuunta Bayl
17. Warshadii ifka xalan shaboo
18. Warshadii qudaarta Afgooye ( ITOP)
19. Warshadii Bacriminta ( Fertilizer)
20. Warshadii Kabka ( Ciidanka)
Dhismaha warshadahaas waxaa hormuud ka ahaa dowladii dhexe ee Soomaliya oo waqtigaas jirtay. Iyadoo xambaarsaneyd dhowr u jeedo oo kala ahaa:
a) In shaqooyin loo abuuro shacabka soomaaliyeed,
b) in la yareeyo badeecadaha wadanka dibadiisa looga soo dhoofiyo,
c) In kor loo qaado xirfadaha gacanta ee shaqaalaha Soomaaliyeed.
Doorka shaqo abuurista: Dhiiriglinta ama dhismaha warshadaha yar yar waxey kor u qaadaan abuurista shaqooyinka wadanka, taas oo suurta gal ka dhigeysa in uu kordho dakhliga soo gala shaqaalaha isla markaana hoos u dhigto saboolnimada. Sida ku cad warbixinta Bangiga Addunka (Wold Bank, 2019). Inta badan shacabka Soomliyeed 70% waxey ku noolyihiin saboolnimo aad u hooseysa. Hadaba waxaa taas looga gubi karaa in dowlada Soomaaliya la timaado qorshe lagu dhiirigelinayo warashadaha yar yar iyadoo maalgashi wadaag ah la gelaysa ganacsatada gaarka ah ee Soomaliyeed iyo kuwa shisheeye. Taas waxey horseed ka noqoneysaa in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada, iyadoo wax badan ka tari doonta la dagaalanka saboolnimada, xagjirnimada iyo tahriibka.
Xakameynta badeecada wadanka dibadiisa looga keeno: horumarinta iyo dhiirigelinta warshadaha yar yar waxey horseed ka noqoneysaa hoos u dhigista badeecadaha wadanka dibadiisa laga soo dhoofiyo iyadoo suurta gal ka dhigaysa in Soomaaliya ay bilowdo in ay wax soo saarkeeda u dhoofiso wadamada aduuntka intiisa kale. Hadaba si taas looga mira dhaliyo waxaa looga baahan yahay dowlada dhexe in ay canshuur (Tariff) badan la beegsato badeecadaha ay warshadaha wadanku soo saarikaraan ee dibada ka imaanaya. Inta badan, canshuurta noocaas ah waxey difaac u tahay in ay kobcaan wax soosaarka warshadaha yar yar, in ay badbaadaan shaqooyinka, iyo in lagu ilaaliyo qorshaha guud ee dib u dhiska dhaqaalaha. Waxey kale oo keeneysaa in ay hoos u dhacaan lacagihii adkaa ee wadanka dibada uga baxeyey (Foreign Currency). Waxaa xusid mudan in aan qorshahan si fufud loo gaari karin hadii aysan jirin dowlad horseeda qorshaha dib u yagleelida dhaqaalaha wadanka oo ku saleysan dowlad wanaag iyo maamul ka fog musuqmaasuqa.
Kor u qaadista Xirfadaha shaqaalaha: sida aan ka wada dheregsanay,Soomaaliya waxaa maanta ku yar xirfadlayaasha kala duwan ee ka shaqeyn kara warshadaha yar yar, hadaba abuurista warshadahan (Small Scale Industries) waxey suurta gal ka dhigaysaa in ay kordhaan dadka xirfidlayaasha ah ee ka shaqeeya warshadaha. Waxayna dhiirigelin doontaa in dhalinyarada ku jira iskoolada iyo jamaacadaha ay door bidaan in ay qaataan xirfadaha muhiimka ah ee u sahli kara in ay shaqooyin ka helaan warshadaha noocaas ah.
Ugu dambeyntii, waa wada fahamsanahay in uusan qorshahan aheyn mid u sahlan wadan uu ragaadiyey dagaal sokeeye oo la daalaa dhacaya sugida amaanka, laakiin waxaa loo baahanyahy in la isku dhinac wado ilaalinta qorshaha amaanka iyo horuminta kobcinta dhaqaalaha. Taas oo hormuud ka noqon karta, in hoos loo dhigo saboolninmada korna loo qaado dhiirigelinta maalgashiga, iyo kor u qaadista dakhliga guud ee wadanka.
Mahadsanidin
Ahmed Hundubey Hundubey.bashir@gmail.com
Calgary, Canada
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com