War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Maamulka Somaliland ayaa looga hor yimid Barnaamijka taakuleynta Baxnaano uu dhawaan magaalada Muqdisho ku daah furay Madaxweynaha Soomaaliya.
Somaliland ayaa sheegtay in uusan quseyn barnaamikaasi deeganeeda, waxa ayna uga digtay dowlada federaalka Soomaaliya in faragalin ku samewyso deegaanadeeda ayna keento mashruucan .
Maamulka Somaliland ayaana ka codsatay Bangiga aduunka in uu ka fiirsado deeqaha ay siiyaan dowlada Soomaaliya, waxa ayna sheegtay Somaliland in dowlada Muqdisho deeqaha loogu deeqo u adeegsato khal khal galinta Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com