Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Danab oo howlgal balaaran ka sameeyay Deegaano dhaca Duleedka Marka

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan guutada 16-aad ee Danab ayaa maanta howlgalo balaaran waxa ay ka sameeyeen deegaano kuyaala duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada ayaa howlgalo gaar ah ka sameeyay Deegaanada Jilib Marka,Gendershe iyo Dhanaane halkaa oo la sheegay in markii hore joogeen dagaalyahano katiran Al Shabaab.

Sargaal katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan Danab ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka intii uu socday dagaalyahanada Al Shabaab ka firxadeen deegaanada ay ciidamada howlgalka ka sameeyeen.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo balaaran waxa ay ka wadeen deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo horey u maamulayeen dagaalyanada Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Yurub katirsan oo Soomaaliya ka caawineysa sida amniga loo ilaaliyo

Cabdi Cade

Wiilka Madaxweyne Museveni oo baahiyay qoraal hadal heyn badan iyo Shaki abuuray

Cabdi Cade

Maxkamad go’aan ka gaareysa kiis xiisad weyn & hadal heyn ka abuuray Caabudwaaq (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---