Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Baashe Yuusuf Maxamed ayaa shaqo joojin ku sameeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin Cabdi sida ay sheegayaan warar soo baxaya
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa allbanaadir online u xaqijiyey in talaabadan ay ka dambeysay ka dib khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Labada masuul.
Khilaafka u dhexeeyey labada masuul ayaa la sheegay inuu in muddo ah soo jiitamayey, iyadoo haatan su’aalo la iska weydiinayo awooda dhinaca sharciga ah ee Guddoomiye Baashe uu u leeyahay inuu xilka ka qaado gudoomiyaha Maxkamada gobolka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in in Ku-simaha Gudoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir loo magacaabay Cabdisalaan Macalin Cabdi oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Howlwadaag, Cabdisalaan Macalin Cabdi Guure.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com