Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed oo dalka Koonfur Afrika ugu dhintay Caronavirus

Muwaadin Soomaaliyeed oo kunoolaa dalka Koonfur Afrika ayaa la xaqiijiyay in uu u geeriyooday caabuqa Caronavirus ee kusii faafaya caalamka cabsi badana ku abuuray dadka.

Nabadoon Cali Kheyr (Cali Xaashi) oo kamid ahaa Odayaasha ku nool magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku geeriyooday isbitaal lagu daweenayay kadib markii laga helay caabuqa Caronavirus.

Dalka Koonfur Afrika ayaana kamid ah wadamada uu ku faafayo Cudurka Caronavirus, waxaana dalkaasi kunool Soomaali badan kuwaa oo hada halis ugu jira in uu ku dhaco cudurkan dilaaga ah.

Nabadoon Cali Kheyr ayaa noqday muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee gudaha Koonfur Afrika ugu geeriyooda Cudurka Caronavirus, waxaana cudurkan gudaha Soomaaliya iyo dibadiisa ku dilay Soomaali u badan Odayaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hub dowladda Turkiga ugu deeqday Soomaaliya oo u gacan galay Al Shabaab

Cabdi Cade

(Sawirro) Muuse Biixi oo si weyn loogu soo dhoweeyey Hargeysa ka dib booqashadii Kenya

Caydiid Ali

Indhacadde oo ka digay qaraxyo lala damacsan yahay siyaasiyiin caan ah iyo xubno kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---