Allbanaadir.com
NEWS

Faah faahino kasoo baxaya dhalinyaro xalay lagu dilay xaafad katirsan Muqdisho

Askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay labo wiil oo dhalinyaro ah ku dilay xaafad katirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir , kadib markii uu rasaas ku furay goob ay ku sugnaayeen dhalinyaradaasi.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askariga hubeesan uu rasaas ku furay goob ay dhalinyaradan ku fiidsanayeen, waxaana rasaastaasi u geeriyooday labo dhalinyaro ah halka mid kalana uu dhaawac soo gaaray.

Askariga dilka iyo dhaawaca geestay ayaa goobta isaga baxsaday, ciidamada booliiska ayaana la sheegay in ay wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan askariga dilka xalay ka geesteen degmada Kaxda.

Wali lama oga sababta uu askarigan u dilay labada nin ee dhalinyarada ah, mana jiro ilaa hada wax war ah oo arintan kasoo saareen saraakiisha ciidanka booliiska ee baaritaanka ku wada kiiskan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Shiikh oo xarunta QM ku guddoomiyey shirka amniga Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Daaci oo ka hadlay weerarkii dhiiga badan ku daatay ee ka dhacay deegaanka Hilowla Gaab

Cabdi Cade

Miisaaniyadda maamulka Hirshabelle oo la ansixiyay iyo arrimo kale oo muhiim ah oo laga hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---