Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Diidan halista Caronavirus oo shaqada ka ceyriyay Wasiirkiisa Caafimaadka

Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro , ayaa wali kasoo horjeeda in halis yahay caabuqa Caronavirus oo kumanaan dad ah ku laayay daafaha dunida sidoo kale ku dhacay dad ka badan labo milyan oo qof.

Jair Bolsonaro , ayaa kasoo horjeeda talooyinka caafimaad ee bixinayaan dhaqaatiirta caalamka ee ku aadan in dadku aysan isku imaan sidoo kale la xirto afka lana gashto gacmaha faragashi .

Madaxweynaha dalka Brazil ayaa si deg deg ah shaqada uga ceyriyay Wasiirka caafimaadka dalkaasi Luiz Henrique Mandetta, kadib markii Wasiirka ugu baaqay shacabka in ay qaataan talooyinka caafimaad ayna isku soo dhawaanin si aysan cudurka u kala qaadin.

“Waan u mahadcelinayaa dhammaan kooxda igala shaqeyneysay wasaaradda caafimaadka. Waxaan Alle ka baryayaa inuu guul gaarsiiyoo dalkeena.” ayuu yiri Wasiirka caafimaadka ee shaqada laga ceyriyay.

Madaxweynaha dalka Brazil ayaan aaminsaneyn qatarta uu leeyahya cudurka Caronavirus ee dunida aafeeyay, wuxuuna rumeesan yahay Madaxweynahan  in Caronavirus uusan halis aheyn uuna yahay hergeb iska yar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Soomaali ah oo Shaqadiisa ku waayay cod laga duubay oo lagu baahiyay Baraha bulshada!

Cabdi Cade

Mareykanka oo ku hanjabay in ay weerari doonaan 52-goob oo Muhiim u ah dowlada Iiraan

Cabdi Cade

Biden oo si cad ugu hanjabay inuu difaacayo Taiwan haddii Shiinuhu soo weeraro

Caydiid Ali
Taboola Ads ---