Waxaa meel wanaagsan maraya dhismaha Laamiga isku xira Isgooska Kuliyadda Jaalle Siyaad ilaa xarunta Degmada Dayniile uu dhawaan si rasmi ah u dhagax dhigay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.
Dhismaha Laamiga oo maalmihii lasoo dhaafay socday ayaa maanta lagu bilaabay in la saaro laamiga, waxaana la filayaa in sidoo kale marka laamiga la saaro iyana la dhiso marsho biyeeriga.
Shacabka ku dhaqan degmada Dayniile ayaa si weyn u soo dhaweeyay dib u dhiska iyo casriyeenta lagu sameenayo laamiga degmada Dayniile oo mudo ka badan 30-sano bur bursanaa.
Dhismaha laamiga cusub ee Dayniile dhax mara ayaa ka qeyb qaadanaya bilicda iyo horumarka ka jira magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dayniile oo u muuqatay mid ka qadsaneyn horumarada kale ee magaalada ka jira.