Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo caawa ku dhawaaqday kiiskii ugu horeeyey ee cudurka Coronavirus

Puntland ayaa shaacisay caawa in degaanada maamulkaasi laga helay kiiskii ugu horeeyay oo ah cudurka Coronavirus ee halakeeyey inta badan dalalka caalamka.

Guddiga ka hortagga Coronavirus ee maamulka Puntland ayaa shaaciyay in cudurka Covid-19 laga helay mid ka mida laba qof oo baaritaan lagu sameeyay markii looga shakiyey, waxaan qofka cudurka laga helay uu yahay nin 33 sano jir ah oo aan wax safar ah gelin.

Kiiskan ayaa muujinaysa in dad kale oo ku sugan gudaha degaanadaasi uu ka qaaday Cudurka, kuwaasoo aan la ogeyn xaaladooda.

Guddigu wuxuu kaloo sheegay in 5 qof oo cusub la karantiilay maanta oo ay taariikhdu tahay (19 April 2020), dadkaasi oo baaritaan laga qaadi doono, lana hubin doono iney qaadeen cudurka iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa laga baran karaa casharka Siyaasaded ee loo dhigay Muudey iyo Cali yare?

Caydiid Ali

Burbur Dhaqaale oo ku yimid dalka Imaaraadka carabta iyo Sababaha rasmiga ah ee keenay!! (Daawo Video)

admin

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Nabadoon caan ahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---