Agaasimaha sheybaarka sida weyn loo ilaaliyo ee dalka Shiinaha ayaa beeniyay warar la isla dhax marayay oo sheegaya in asalka iyo halka uu cudurka Coronavirus ka dhashay uu yahay sheybaarkaasi.
Wararka arrintani la xiriira ayaa sheegaya in cudur-sidaha keenay Covid-19 uu ka soo bilowday Machadka Wuhan Institute of Virology, gaar ahaan Sheybaarkiisa P4 ee maareeya cudur-sidayaasha halista ah.
Wareysi uu siiyaya warbaahinta dowladda Shiinaha oo lasii daayay Sabtidi shalay, ayuu Yuan Zhiming oo ah agaasimaha sheybaarka sida weyn loo ilaaliyo ee P4 ku sheegay in aysan suurtagal aheyn in cudurka uu iyaga xagooda ka yimid.
Xukuumadda Beijing ayaa waxaa kusii kordhaya cadaadis kaga imanaya caalamka oo ku aadan in aysan xog waafi ah la qeybsan aduunyada, markii uu xanuunka ka baliwday dalkeeda.
Dowladda Mareykanka ayaa hadda baareysa in cudurka uu ka soo bilowday sheybaarka Fayrasyada ee Shiinaha iyo in kale. Laakin saynisyahannada Shiinaha ayaa ku adkeysanaya in cudur-sidaha ay u badantahay inuu ka yimid suuq lagu iibiyo hilibka xayawaanka duur-joogta ee magaalada Wuhan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com