Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga oo Xukun dil ah ku fuliyay nin Toorey ku weeraray Fanaaniin Reer Galbeed ah

Boqortooyada Sacuudiga ayaa xukun dil ah ku fulisay nin u dhashay dalka Yemen oo weerar toorey loo adeegsaday ku qaaday koox fanaaniin ah oo bandhig qoob ka ciyaar kusoo bandhigayay magaalada Riyaadh ee caasimada Sacuudiga.

Ninkan xukunka dilka ah lagu riday oo lagu magacaabo Cimaad Al-Mansuur ayaa lagu helay in uu katirsanaa kooxda Al Qaacida sidoo kale sadex qof oo u dhalatay Spain ku dhaawacay weerarka uu tooreyda u adeegsaday.

Weerarka uu ninkan xukunka dilka ah lagu fuliyay geestay ayaa bishii november ee sanadkii hore ka dhacay magaalada Riyaadh xiligaasi oo Boqortooyada Sacuudiga fasaxday in dalkaasi lagu qaban karo bandhigyada Muusikada iyo Qoob ka ciyaarka.

Wasaarada arimaha gudaha Sacuudiga ayaa warbixin ay soo saartay ku xaqiijisay in xukun dil ah lagu fuliyay ninkan lagu helay weerarka argagaxiso, waxa ayna Wasaarada sheegtay in gacan bir ah ku qaban doonto dadka fuliya weerarada iyo kuwa xiriirka la leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Shiinaha oo si adag uga hadashay Warkii kasoo yeeray Mesut Ozil

Cabdi Cade

Daacishta Soomaaliya oo u waregaysa gudaha Itoobiya iyo Warar kale oo Xasaasi ah !!

admin

Dhismo la dhisay Qarnigii 12-aad oo gubtay iyo dad badan oo ka naxay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---