Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo lagu dhaliilay qaabka uu uga hadlay Mashruuca Baxnaano

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ayaa shalay daah-furay Barnaamijka Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysas danyar ah, iyada oo wajigiisa 1-aad ay ka faa’iideysanayaan 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Farmaajo qaabka uu uga hadlay mashruucan dadka danyarta lagu taakuleenayo oo dhaqaalah ku baxaya bixinayo Bangiga Aduunka .

Mr Warsame ayaa sheegay in wax laga naxo tahay in madaxweynihii dalka uu kari waayo in uu ka run sheego mashruuca Baxnaano ee uu shalay daah furay, waxa uuna tilmaamay in hogaanka dalka looga baahan yahay in shacabkiisa runta u sheego.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay Mr Warsame

Waa wax laga naxo in madaxweynihii dalka uu kari waayo in uu ka run sheego mashruuca Baxnaano ee uu shalay daah furay. Mashruuca oo sanado soo socday waxaa deeqdiisa leh Baanka Aduunka, fulintiisana haydaha WFP iyo UNICEF, maamulkiisa kore ayaa lagu maamusay dawlada Soomaaliya, waxaana loogu tala galay in lagu gacan qabto dadka ay abaaraha, fatahaadaha webiyada iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga cayrteeyeen oo ay dalagii iyo xoolahii noolaa ka baabi’iyeen ka dibna xeryaha qaxootiyada galay, si ay noloshoodii dib ugu laabtaan oo saboolnimada looga saaro.

Sow ma haboonayn intii uu Madaxweynuhu oran lahaa waa markii ugu horaysay oo ay dawladu dadkeeda deeq gaarsiiso in uu mashruuca runta ka sheego, una mahadceliyo cidii deeqda bixisay, kuwa fulinta u xilsaaran, ka dibna xuso kaalinta ay dawlada mashruuca haatan ku leedahay, isagoo khajilayana raaciyo kaalinta haboonayd in ay ku yeelato intii uu sheegan lahaa deeq ajnabi ka timid, welina u ekeysiin lahaa in dawladu ugu tala gashay ka hortaga Karoona Fayris.

Waxa ugu muhiimsan ee hoggaan siyaasadeed laga rabo, kumana sii jiro hogaamiye dal burbur ka soo kabanaya, waa in uu dadkiisa runta u sheego, una daacadnimo waramo, sababtoo ah waa ficilada dhisa kalsoonida uu shacabku dawladiisa ku qabo, waxayna kobcisaa aaminaada uu muwaadinku hogaankiisa u hayo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye ku-xigeenka G/Banaadir oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee Uganda (Sawirro)

admin

Sheybaarka Cuntooyinka iyo Daawooyinka oo laga hirgaliyay Berbera (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dibed-baxyo looga horjeedo Farmaajo oo caawa ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---