Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidanka dowlada oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen

Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidanka milatariga Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland howlgalo ka fuliyeen deegaano Al Shabaab gacanta ku hayeen.

Saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soonaaliya ayaa sheegay in weerar ku qaadeen deegaano kuyaala duleedka degmada Diinsoor halkaas oo fariisin u aheyd dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Waxa ay sheegeen saraakiishan in howlgalka kula wareegeen deegaanada Bandhuub iyo Biilane oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, mana sheegin saraakiisha in khasaaro ka dhasheen howlgalka ay ka fuliyeen duleedka Diinsoor.

Al Shabaab ayaa go’doon galisay degmada Diinsoor oo gacanta ugu jira maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidanka milatariga, waxa ayna Al Shabaab is hortaag ku sameeyeen in degmadaasi la geeyo raashiin iyo waxyaabaha kale ee laga maarmaanka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo si aan caadi aheyn Muqdisho loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Cirro oo ka farxiyey boqolaal Maxaabiis ku xiran Somaliland

Caydiid Ali

Taalibaan oo loogu baaqay in si degdeg ah uga laabtaan Go’aan ay dhawwaan soo saareen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---