Allbanaadir.com
NEWS

Qaabka Muqdisho loogu aaso dadka u dhinta Coronavirus oo isbedel lagu sameeyey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa sheegay caawa in isbedel lagu sameeyay qaabka loo aaso dadka u geeriyooda cudurka Coronavirus.

Shir jaraa’id oo ka dhacay xafiiska R’iisal wasaaraha ayuu ku sheegay Cumar Filish in isbedel lagu sameeyay qaabka loo aasayo dadka u dhinta cudurka Covid-19, wuxuuna sheegay in loo diyaariyay koox gaar ah oo loo tababaraay, si gaar ahna uga shaqeyn doonta aasidda meydadka dadka uu salfaday cudurkan

Cumar Filish ayaa dadka ku wargeliyey inaan la booqan karin dadka uu soo rito cudurka Covid-19, isla markaana dad fara badanna aysan raaci karin meydadka, balse ay ku tukan karaan salaad janaaso qof maqan.

Wuxuu digniin ku bixiyey inaan lagu soo xoomin dadka cudurka u dhinta, janaasadiisana aan lasoo buuxin, dadkuna ay qaataan tallooyinka ay bixinayaan dhaqaatiirta, kana fogaadaan meelaha dadka badan isugu yimaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo bilaabay dhaqan galinta amar uu dhowaan soo saaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Karaash oo ka hor yimid Guddi uu magacaabay Madaxweyne Deni iyo Khilaaf soo shaac baxay (Akhriso)

Cabdi Cade

Qaraarkii Golaha Wasiirrada soo saareen, yaa guuleestay, yaana laga guuleestay ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---