Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje, ayaa bulshada Soomaaliyeed uga digay khatarta iyo saameynta xad dhaafka ah ee cudurkaan sida dhaqsaha ah ku faafa uu ku yeelan karo dalkeenna xilli dunida inteeda badan ay dadaal xooggan ugu jirto cirib tirkiisa.
Dr Maxmed Cali Fuje ayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed kula taliyay inay si wadajir ah u qaataan talooyinka caafimaad iyo ammarrada dowladda ee qaybta ka qaadanaya xakameynta faafitaanka COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada naf-badbaadinta ah.
Waxuu sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan is-jaceylka iyo is-dhex-galka uu qayb ka qaadanayo faafitaanka COVID-19, maadaama cudurku uu yahay cudur si sahlan loo kala qaadi karo, waxuuna bulshada ka codsaday in dhaqankaas la bedelo intii lagu guuleysanayo xakameyntiisa.
Dhakhtarka waxuu walaac ka muujiyay kororka xaaladaha COVID-19 oo tusaale u noqon kara in tira badan oo dadka Soomaaliyeed ah uu soo ridan karo, Â dalkeennuna uu xudun u noqon karo cudurka, hadii la iska indha tiro saameyntiisa.
Dowladda Soomaaliya ayaa Dr. Maxamed Maxamuud Fuje u magacawday Madaxa Daawada Guud ee dalka, kaasoo la tacaalaya cudurka coronavirus, iyadoo magacaabidiisa ay qeyb ka tahay dadaalka loogu jiro in looga hortago cudurka oo dalka ku faafaya.
Dr. Fuje ayaa madax u ahaa Guddiga Wacyi-gelinta ee ka hortagga cudurka Coronavirus, wuxuuna hore uga soo shaqeeyay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, wuxuuna wax ku bartay Kulliyadda Daawada ee Jaamacadda Soomaaliya, Jaamacadda Sixada iyo Cudurrada Kulaalaha ee London, iyo shahaadada sare oo Umadda, kadibna ka qalin jebiyey jaamacadda Royal Postgraduate Medical School.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com