Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirada dadka caalamka ugu geeriyooday cudurka COVID-19 oo sare u sii kacday

Tirada dadka ugeeriyooday xanuunka halista ah ee Corona VirusĀ  ayaa gaaray 154,000 Adduunko idil ah, sida laga soo xigtay Jaamacada Johns Hopkins xarunteeda Maryland.

Gudaha Mareykanka dadka uu haleelay xanuunkan ayaa gaaray 700,000, hakaka Tirada dhimashada lagu sheegay 37,000.

Dalka Spain tiradda guud dadka uu ku dhacay Cudurkan waxay gaartay 190,839, tirada dhimashaddana waxaa la sheegay 20,002, halka tiradda ka bogsatay ay gaartay 74,797.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in 27 kiis oo hor leh kuwaasi oo qaba coronavirus, sida laĀ  xaqiijiyay dhammaan dadkan waxay ka yimaadeen gobolka waqooyi-bari ee xadka la leh Dalka Ruushka.

Tiradda guud dadka Caalamka ee qaba xanuunkan ayaa gaaray 2,251,768 halka dhimashad ay mareyso 154,000 sidokalana 574,383 dad gaaraya ayaa bogsooday xanuunkan halista ah ee sameeyay inta badan dalalka Caalamka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mengistu Hailemariam iyoĀ Desalegn oo kulmay iyo Muran ka dhashay

Caydiid Ali

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday Badri Cabdiraxmaan oo lagu helay…

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo shirar xasaasi ah la qaatay beesha caalamka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---