Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jaamacad Dunida caan ka ah oo soo saareysa talaal loogu tala galay Cudurka Caronavirus

Waxaa dunida si xowli ah bilo gudaheed ugu faafay caabuqa Caronavirus oo kasoo bilowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, waxa uuna cudurkan mushkulado badan ka abuuray guud ahaan caalamka.

Dhaqaatiir , Shirkado iyo khubaro ayaa hada ku howlan sidii loo soo saari lahaa daawooyin cudurkan lagu daweyn karo, waxa ay sidoo kale wadaan dadaalo iyana lagu soo saarayo talaal cudurkan loogu tala galay.

Jaamacada caanka ah ee Oxford kuna taala dalka Ingiriiska ayaa seynisyahano katirsan waxa ay sheegeen in ay soo saarayaan talaal loogu tala galay in cudurkan saf marka ah oo looga hortago.

Seynisyahanadan ayaa sheegay  in ay soo saari doonaan ugu yaraan hal milyan oo cirbadood oo talaal loogu talo galay cudurkan halista ah ee coronavirus ah bisha Sebtember ee sannadkan.

Mashruucan lagu soo saarayo talaalka Caronavirus waxaa taageereysa dowlada Ingiriiska, waxa ayna dowlada war ay soo saartay ku sheegtay in aysan  jirin wax dammaanad ah, isla markaana aanay suurto gal ahayn in muddo loo qabto soo helidda tallaalka.

Tijaabada ugu horeyso ay sameenayaan seynisyahan katirsan Jaamacada Oxford ee soo saaraya talaalka kahor taga Caronavirus ayaa la filayaa in ay qaadaan isbuuca soo socda , lamana ogaan karo wali wax tarka talaalkan cusub ee lasoo saarayo.

Talaalkan cusub ee lasoo saarayo haddii dad badan oo dunida ku nooli ay adkaysi u yeeshaan waxay arintaasi coronavirus ka horjoogsan doontaa inuu fido oo in dadku kala fogaadaan na qasab noqon mayso.

Cudurka Caronavirus ayaa ku dhacay dad ka badan 2-Milyan qof oo daafaha dunida ku nool, waxaana cudurkan uu dilay dad ka badan  154,000 oo qof, waxaana sii kordhaya maalinbo maalinta ka dambeesa dadka uu dilayo cudurkan iyo kuwa uu ku dhacayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiyiin & Xildhibaano Mucaarad ah oo NISA ku tilmaamay ciidan la mid ah Hangashtii Siyaad Barre (Akhriso)

Caydiid Ali

Dhismaha Dekadda Garacad oo si rasmi ah loo Daah Furey (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xeer Ilaalinta Qaranka oo u yeertay Wasiirka Maaliyadda iyo Waxa loo heesto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---