Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Xildhibaan Aadan Cali Xasan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Aadan Cali Xasan oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxwyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumka oo ka tirsanaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya uu door wanaagsan ka qaatay dib u habeynta hannaanka dhaqaalaha dalka, muddadii uu ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka, islamarkaasna uu ugu shaqeeyey dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed hufnaan, wadaniyad iyo daacadnimo.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Aadan Cali Xasan waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dowladnimada, horumarka dalka iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo soo bandhigtay Dagaalyahan kasoo goostay Al Shabaab (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Gabar walaalkeed lacag u ururinaysay sannado badan si uu ugu guursado !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo si adag uga hadlay Qaraxyadii Maxaas Baaq cusubna diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---