Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo go’aan adag kasoo saartay salaadaha Jamaacada ee Masaajida lagu dukado

Maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar cusub oo lagu joojinayo in salaada Jimcaha iyo salaadaha kale ee Jamaacada lagu dukado masaajida kala duwan ee kuyaala deegaanada Puntland.

Guddiga Diyaar garowga iyo ka hartaga Caronavirus ee maamulka Puntland ayaa shir ay yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen in la joojiyo salaadaha Jamaacada ah ee lagu dukado masaajida kuyaala Puntland, waxaana la faray ciidamada fulinta amarkaasi.

Waxa ay sidoo kale guddigan amreen in laga hortago in jaad lasoo geliyo deegaanada maamulka Puntland, waxa ayna guddigan fareen ciidamada ilaalada xuduudaha Puntland in ay kahor tagaan in jaadka lasoo gudbiyo.

Halkan ka Akhriso Go’aankan cusub ee kasoo baxay Puntland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masar oo war ka soo saartay Khilaafka Somalia iyo Itoobiya, si cadna ula safatay..

Caydiid Ali

Xog ku aadan Kulan Xasaasi ah oo dhax maray Rooble iyo Odayaasha Beesha degta Gedo

Cabdi Cade

Daawo Sawirada : Wiil 11-Sano jir ah oo awoodiisa dad badan ka yaabeen  !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---