Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Dowlada Shiinaha qarisay xaddiga faafitaanka cudurka Coronavirus ?

Dowlada Shiinaha ayaa si adag u beenisay eedeymo uga yimid Wadamada reer Galbeedka oo la xariira in ay qariyeen  xaddiga faafitaanka cudurka Coronavirus oo kasoo bilowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Zhao Lijian ayaa beeniyay in dowlada Shiinaha qarisay xogo la xariira xadiga faafitaanka Caronavirus, waxa uuna tilmaamay in aysan marnaba raali ka aheyn in wax la qariyo.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka  in sida dhaqsaha leh ee uu ku faafayey Caronavirus ay keentay in la shaaciyo tiro ka yar tan saxda ah, taasi oo dhalisay in maanta Dowlada Shiina ee sare u qaaday tirada dadka ku dhintauy cudurka.

Afhayeenka Wasaarada arimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale beeniyay tuhunada Mareykanka ee ah inay xiriir hoose la leedahay ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO, waxa uuna warka kasoo yeeray Mareykanka ku tilmaamay mid loogu gefayo Shiinaha.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisa ay isku dayeyso inay go’aan ka gaarto haddii coronavirus uu asalkiisa ka yimid sheybaar ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Dowladaha Reer Galbeedka ayaa rumeesan in cudurkan dunida ku faafaya yahay mid si ku talagal ah loo abuuray, waxaana reer Galbeedka Shiinaha ku tuhmayaan in ay qarinayaan xogta cudurkan dalkaasi kasoo bilowday iyo sida deg dega ah uu ku faafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubno kasoo goostay Shabaabka ka dagaallamaya gobolka Mudug oo lasoo banhigay

Cabdi Cade

Faahfaahin: Hoobiyeyaal xalay saqdii dhex ku dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

Shirkado qeyb weyn ka qaatay Bilicda iyo Nadaafada magaalada Muqdisho

Cabdi Cade