Afrika ay noqon karto halka xigta ee xudunta u noqon doonto xanuunka saf-marka ah COVID-19 sida ay shaacisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo arrintaas digniin culus ka soo saartay.
Qaaradda ayaa waxaa sare u sii kacaysay tirada dadka uu soo ridanayay fayraskan toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo laga xaqiijiyay 17,500 oo kiis iyo 900 oo dhimasha ah.
COVID-19 ayaa waxaa horay xuddun u noqday waddamo dhawr ah oo uu kow ka yahay Shiinaha oo ahayd halkii uu ka soo bilowday coronavirus waxaana naftooda ku waayay in ka badan 4,600 oo qof.
Talyaaniga ayaa xigay oo uu fayraskan ku habsaday kaasoo noqday dalka labaad ee ugu dhimashada badan dunida isagoo dilay dad ka badan 20 kun oo qof, ka dibna Spain ayuu fariisimo ka sameystay waxaana ku dhintay dad kor u dhaafaya 10-kun oo qof.
Mareykanka oo ka mid ah quwadaha dunida ayuu misana halakeeyay, halkaasoo ay ku dhniteen illaa hadda tirada ugu badan adduunka oo gaareysa 33,500, iyadoo dhimashada ay maalin maalinba ka dambeysa sare u sii kaceyso.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com