Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo War ka soo saaray doorashadii maanta ka dhacday Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Guddoonkii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Guddigii Doorashada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u guteen waajibkooda dastuuriga ah, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in dhacdadani ay calaamad u tahay dimuqraadiyadda xoogeysaneysa ee ka jirta dalka.

“Hamabalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay, sidoo kale waxaan u hambalyeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka sharafta leh, iyo Shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha la doortay waxaan Alle uga rajeyn in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey musharixiinta kale ee u tartamay xilka Guddoomiyaha, waxa uuna sheegay in sida ay u tartameen ay muujineyso in dalkeennu la jaan-qaaday hannaanka hufan ee ku saleysan dimuqraadiyadda, iyo hufnaanta, taas oo dalka horumar gaarsiineysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

(Sawirro) Xukuno lagu riday Shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo ay haweeney ku jirto

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo mar kale todobaadkan booqan doona dalal ka tirsan Afrika

Caydiid Ali

Qarax weyn oo saaka ka dhacay degaanka Masaajid Cali Guduud & ciidanka XDS oo ka hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---