Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay warar baraha bulshada lagu baahiyay

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu baahinayay warar sheegaya in guddiga doorashooyinka Qaranka ku dhawaaqayaan in dib loo dhigayo doorashada dalka sababo la xariira Caronavirus.

Qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa lagu beeniyay wararkan la baahiyay ee la xiriira in dib loo dhigayo Doorashada dalka ee lagu wado in sanadka dambe dhacdo.

”Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka waxa uu Umadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in wararka ah in Guddigu ku dhawaaqi rabo dib u dhac Doorasho uu yahay war been abuur ah oo sal iyo raad aan lahayn ayaa lagu yiri” Qoraalka Guddiga.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaki galinaya in sanadka soo socda dhaceyso doorasho, waxaana sheegeen siyaasiyiintan in dowlada wado qorshe ay dib ugu dhigeyso doorashada iyada oo mar marsiiyo laga dhiganayo Caroanvirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Hogaamiyihii Wagner, Prigozhin oo lagu aasay St. Petersburg

Caydiid Ali

Xassan Shiikh: “Masuuliyadda aad qaadeen waa mid taariikhi ah oo samata-bixin karta shacabka”

Caydiid Ali

Baarlamanka dal Afrikaan ah oo laga jartay Korontadii ka dib lacag badan oo lagu yeeshay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---