Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shaakir oo mudo kadib caawa War cusub soo saaray (Akhriso)

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxii hore ee Xukuumada Maamulka Galmudug sidoo kale katirsan hogaanka sare ee kooxdii laga itaalka roonaaday ee Ahlu Sunna  ayaa caawa soo saaray war saxaafadeed uu uga hadlay xaalada Galmudug.

War saxaafadeedka uu soo saaray Sheekh Shaakir ayuu ku sheegay in aysan jirin wax Heshiis ah oo Dhexmaray Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Galmudug gaar ahaan garabka Ahlu sunna.

Waxa uu sheegay Sheekh Shaakir in aysan qeyb ka aheyn raalina ka aheyn wax uu sheegay in dowlada federaalka ka wada deegaanada Galmudug, waxa uuna ugu baqaay shacabka Galmudug in ay kahor tagaan kooxo uu ku tilmaamay xagjir kusoo duulay.

Hogaanka sare ee Ahlu Sunna oo dalka isaga baxay ayaan mudooyinkii dambe ka hadlin xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Galmudug, waxaana warkii ugu dambeeyay Sheekh Shaakir kasoo saaray Garawe kahor inta aysan ka dhoofin magaaladaasi

Halkan ka akhriso Warka uu soo saaray Sheekh Shaakir 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Cabdalla Binu Saalim (Sawirro)

Cabdi Cade

Carro ka dhalatay dil ciidamada Nageria u geesteen haweeney Qareen Xaamilo aheyd

Cabdi Cade

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay sadex nin (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---