Allbanaadir.com
NEWS

Bandowgii dowlada soo rogtay oo caawa ka dhaqan galay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka dhaqan galay bandow dowlada soo rogtay, waxaana qeybo badan oo kamid ah caasimada ka dhaqan gelay bandowgan caawa bilowday 8-dii fiidnimo.

Inta badan caawa waxaa la xiray goobihii ganacsi ee kuyaalay Muqdisho marka laga reebo goobaha lagu iibiyo raashinka qalalan iyo xarumaha caafimaadka , waxaa sidoo kale guryahooda ku xarooday inta badandadka shacabka.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa lagu arkayay laamiyada magaalada Muqdisho, ciidamada ayaana dadka iyo ganacsatada ku qasbayay in ay guryahooda ku xarodaan, waxaa sidoo kale joogsaday isku socodka gaadiidka shacabka ee magaalada dhaxdeeda.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho si ay u ogaadaan sida uu u dhaqan galay bandowga caawa bilowday.

Bandowgan lagu soo rogay magaalada Muqdisho ayaa bilaabanaya 8-da fiidnimo waxa uuna ku egyahay 5-ta subaxnimo, waxaana bandowgan loo soo rogay si loo yareeyo  Caranavirus ee kusii faafaya Muqdisho, iyadoona la ogeyn xiliga la qaadi doono bandowgan.

Related posts

(Xog) Ciidamo uu dalbaday Farmaajo oo Muqdisho yimid (Halkee laga keenay?)

Caydiid Ali

Ciidamada amaanka oo qabtay labo nin oo la tuhmayo in ay dileen Sargaal ciidan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay lacagtii lagu qabtay garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali
Taboola Ads ---