Allbanaadir.com
NEWS

Muqdisho oo caawa Bandow isku diyaarineysa iyo shacabka qaar oo bilaabay in ay…

Waxaa caawa 8-fiidnimo la filayaa in magaalada Muqdisho ka hirgalo bandow habeenkii ay soo rogtay dowlada federaalka Soomaaliya si looga hortago in caabuqa Caronavirus ku faafo gudaha caasimada.

Bandowga lagu soo rogay magaalada Muqdisho ayaa bilaaban doona 8-da fiidnimo ee caawa waxa uuna ku ekaan doonaa ilaa 5-ta Subaxnimo, bandowgan ayaana saameyn doona ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in bandowga magaalada Muqdisho lagu soo rogay aysan saameyn doonin goobaha lagu iibiyo raashinka qalalan iyo sidoo kale farmashiyaasha.

Qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho qaarkood ayaaba durba bilaabay in ay guryahooda ku xaroodaan salaada maqrib kahor , waxaa sidoo kale la xiray qaar badan oo kamid ah ganacsiyadii furnaan jiray xiliyada habeenkii ah.

Bandowga habeenkii ah ee lagu soo rogay  Muqdisho ayaan la ogeyn sida uu uga dhaqan gali karo dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir, shacabka Muqdisho ayaana horey usoo arag bandow .

Waxaa la rumeesan yahay bandowga dowlada soo rogtay xoogiisa saameyn doono  Laamiga Maka Al Mukarama oo ah laamiga ugu mashquulka badan Muqdisho, lamana oga sida bandowgan u saameyn doono degmooyin aysan dowladu awood badan ku laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta ka qeyb galay shirka Golaha Wadatashiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Baarlamanka Somalia oo beri yeelanaya kulan shaki badan uu ka taagan yahay

Caydiid Ali

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hal Arrin ku amaanay Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---