Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg ah : Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la doortay (Yaa ku guuleestay)

Waxaa goordhaw soo dhamaatay wareegii ugu dambeeyay doorashada Gudoomiyaha golaha shacabka, waxaana ku guuleestay doorashada Musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan oo helay 147-cod

Musharax Ibraahim Isaaq Yarow oo tartan adag kula jiray Mursal ayaa isna helay 118  waxaana goordhaw Gudoonka golaha Shacabka si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Maxamed Mursal ku guuleestay Doorashada.

Dad badan ayaa horey u saadaalinayay in Musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku guuleesan doono doorashada, maadaama uu heestay taageerada inta badan Xildhibaanada wax dooranayay.

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in Maxamed Mursal Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga uu yahay nin ay wada shaqeyn karaan Madaxda sare ee dowlada sida Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

(Daawo Sawirro) Dab xooggan oo qabsaday daarta Trump Tower & Khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali

Dowlada Qadar oo Malaayiin Dollar siineysa dowlada Federaalka Soomaaliya

Cabdi Cade

Golaha Ammaanka oo war cusub ka soo saaray ciidamada ATMIS ee jooga Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---