Askari ka mid ahaa ilaalada xabsi guriga Mukhtaar Roobow ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.
Sida wararku sheegayaan dilkan ayaa waxaa geystay askari kale oo isna ka mid ahaa ilaalada guriga ka dib muran labada askari soo kala dhex galay.
Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay askariga kale ee dilka geystay oo haatan ku jira xabsiga
Askariga la dilay oo ahaa Dable ka tirsan Ciidanka nabad sugida ee NISA ayaa lagu magacaabi jiray Aweys C/llaahi, Waxaana saaka la geeyey gurigaas ciidamo cusub.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com