Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa qaab Online ah u shir gudoomiyay kulan degmooyinka gobolka Banaadir oo todobaadkii mar la qabto kaas oo looga hadlo horumarinta Caasimadda.
Duqa magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyiinta kale ayaa kuwada xiriiray mid kamid ah aaladaha ay bulshada isticmaalan ee Skype-ga waxaana gabi ahaan si ku meel gaar ah loo hakiyay shirarkii isku imaatinka ahaa si looga hortago faafinta cudurka halista ah ee Covid-19.
Shirkan ayaa intiisa badan looga hadlay xoojinta ka hortago Coronavirus iyo in lasii laba-laabo wacyigalinta bulshada.
RW Somalia ayaa xalay amar ku bixiyey in maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka banaadir la siiyo lacago ay kula dagaalamaan cudurka COVID-19, waxaa loo qoondeeyey min hal milyan oo dollar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com