Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sweden: “Ajnabiga ugu badan ee cudurla COVID-19 u dhintay waa Soomaali”

Warbixin ku saabsan xaalada cudurka Coronavirus ee dalka Sweden ayaa lagu soo bandhigay soo galootiga ugu badan dalkaas ee u dhintay xanuunka coronavirus waxaana ugu horeeya Soomaalida halka ay ku xigaan Wadamada Ciraaq iyo Suuriya.

Guud ahaan 1,033 qof ayaa illaa hadda inta la ogsoon yahay ama soo gaartay diiwaanka hayadda caafimaadka bulshada u geeriyootey cudurka covid-19. Waana tiro kor u kacday 114 qof wixii shalay ka dambeeyey.

Dhanka kale tirada inta qof ee laga heley faruska ee saamiyadii tijaabada ee laga qaaday ayaa kor u gaartay 11,445, halka 530 dadkaa ka mid ahna ay ku jiraan xaaladda gargaarka caafimaad ee joogtada ah, sida ay sheegtay Johanna Sandwall, madaxa laanta u diyaar garowga masiibooyinka ee hayadda hoggaanka bulshada ee dalka Sweden.

530 bukaan ayaa maanta gargaar deg deg ah ugu jira covid-19, halka tiro kale oo saddex boqol gaarsiisan daryeel la mid ah ugu jiraan xanuunno kale. Welina waxaa jirta awood dheeri ah oo loo leeyahay in dad intaa ka badan la qaabilo, sida ay sheegtay. Iyadoo hadalkeedii sii wadata.

“In laga baqo maahan in daryeel caafimaad la raadsado. Waxaa la wici karaa 1177, waxaa la booqan karaa gargaarka degdegga ee cusbitalka. Waxaa na soo gaarey dhammaallo in laga cabsi qabo inaaney boosasku ku filleyn, sida ay hadalka u dhigtay” ayey tiri.

Dhanka kale Anders Tegnell oo ka howlgala hayadda caafimaadka bulshada ayaa soo bandhigay in badankood dadka u geeriyoodey covid-19 marka loo eego ajnabiga ay ugu horreeyaan dadka ka soo jeeda Soomaaliya, waxaa soo raaca Ciraaq, Suuriya. Waxaa soo raaca waddammada Finland iyo dalkii horey loo oran jirey Yugoslaafiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sidee Madaxweyne Qoor-qoor loogu soo dhoweeyey degaanka Bacaadweyn? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne caan ah oo la kulmay oo maxbuus 40 sano ku jiray xabsi (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Xamse oo furay Ololaha Dhallinyarada ee dib-u-xoreynta & Nabadeynta (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---