Allbanaadir.com
NEWS

Labo Musharax oo goordhaw ka tanaasushay wareega labaad ee Doorashada 

Waxaa goordhaw ka tanaasulay in ay ka qeyb galaan Wareega labaad Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka Musharaxiinta kala ah Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Shariif Maxamed Cabdalla oo usoo gudbay wareega labaad.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa wareegii koobaad helay 55 cod halka Musharaxa kale ee tanaasulay Shariif Maxamed Cabdalla uu isna helay 19-cod, waxaana labadan Musharax oo u soo baxay wareega labaad go’aansadeen in ay tanaasulaan.

Sida aan Wararka ku heleyno Cabdicasiis Lafta gareen ayaa codadkii uu helay ku taageeraya Musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo wareegii koobaad ee doorashada hogaaminayaya.

Labada Musharax oo khudbad kooban ka jeediyay xarunta golaha shacabka ayaa waxa ay sheegeen in ay u tureen Xildhibaanada si waqti badan u lumin wareeg sadexaad , waxa ayna u mahad celiyeen Xildhibaanadii codkooda ku taageeray.

Wareega labaad ee doorashada oo ah wareegii ugu dambeeyay waxaa isugu soo haray Labada Musharax ee Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Musharax Ibraahim Isaaq Yaraow, waxaana guuleesan doona musharxii cod bata.

Waxii warar ah ee kusoo kordha doorashada kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Kenya oo ka hadashay hadalkii ka soo yeeray heyadda Amnesty & arrinta Cabdirashiid Janan

Caydiid Ali

Musefani oo shaaciyay in Magdhaw ka bixinayaan shacab askartooda ku laayeen Sh/Hoose

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare hore oo Farmaajo uga digay Diktaatooriyad & adeegsiga awood Millateri

Cabdi Cade
Taboola Ads ---