Waxaa goordhaw Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka in uu u tartamo ka tanaasulay Musharax Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo horey uga mid ahaa Xildhibaanada kursigan u tartmayaya.
Sheekh Aadan Madoobe oo khudbad kooban ka hor jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu go’aansaday in doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ka tanaasulo.
Waxa uu sheegay in uu doorashada uga tanaasulay ugana haray saaxiibadiis kale ee kursigan damaca uga jiro, waxa uuna raali galin u diray Xildhibaanada isaga taageersanaa ee doonayay in uu tartamo.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ay khiyaar u leeyihiin cida ay dooranayaan , waxa uuna farta ugu fiiqay saaxiibadiis in codka siiyaan ruuxa uu ku tilmaamay in uu yahay wajiga labaad.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com