Madasha xisbiyada Qaran ee ay hogaamiyaan madaxdii hore ee Somalia ayaa war ka soo saaray Xaalada dalka iyo Faafitaanka Caabuqa COVID-19.
Madasha ayaa dowladda federaalka kula talisay in wixii taag iyo tabar ah ay isugu geyso la tacaalidda iyo ka hor tagga faafitaanka cudurka COVID-19, Isla markaanada abaabul xoog leh ku sameyso qaybaha kala duwan ee bulshada si loo mideeyo cududa shacabka loogana hortago faafidda cudurkan halista ah ee dalka ku sii faafaya dalka.
Guddoomiyaha Madasha xisbiyada Qaran Shiikh shariif oo caawa shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa talooyin iyo baaqyo u jeediyey dowlada, ganacsatada, qeybaha bulshada iyo beesha caalamka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA KA SOO BAXAY MADASHA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com