Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa magacaabay Guddoonka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Waxaana uu u magacaabay masuuliyiintaan:
1) Faarax Cabdi Macallin Waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Guriceel
2) Cabdishakuur Axmed Faarax Dhimbil G/ ku xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga
3) Cabdirisaaq C/laahi Faarax G/ ku xigeenka maamulka iyo arrimaha bulshada.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa faray dhamaan hey’adaha kala duwan ee Amniga Galmudug iney la shaqeeyaan guddoonka cusub si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
HOOS KA AKHRISO
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com