Waxaa goordhaw xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada Gudoomiyaha golaha Shacabka, waxaana kursigan ku tartamaya 11-Musharax.
Xildhibaanada ayaa maanta si rasmi ah u dooran doona Gudoomiyaha Golaha Shacabka kadib is casilaadii Gudoomiyihii hore ee golahaasi Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa xaadir ah 262 Xildhibaan waxaana shir gudoominaya Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha Shacabka oo sidoo kala ah sii hayaha Xilka Gudoomiyaha.
Musharaxiinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday olole xoogan, waxaana musharaxiinta qaar yihiin kuwa ugu cad cad ee laga yaabo in kursigan kusoo baxaan.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa sheegay in musharaxii hela wareega koobaad 50+1 uu doorashada ku guuleesan doono hadiisa la waayo wareega labaad u gudbi doonaan afarta musharax ee ugu codadka badan.
Doorashada ayaa laga yaabaa in lagu kala bixi waayo wareega koobaad loona gudbo wareeg labaad ama mid sadexaad hadii Musharaxiinta qaar ay tanaasul sameyn waayaan ama Musharax uu waayo cod ku filan wareega koobaad ama labaad.
Waxii Warar ah ee doorashada kusoo kororta kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ