Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tifaftirihii TV-ga Qaranka oo xilka laga qaaday & gabdhihii shaqada loo qaadan lahaa oo..

Wareegto ka soo baxday xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala ayaa xilka looga qaaday tifaftirihii TV-ga Qaranka Faysal Muuse Maxamed.

Waxaa sidoo kale lagu shaaciyay wareegtada in TV-gu uusan qaadaneyn shaqaale cusub ilaa amar dambe, iyadoo arrintan ay ka dambeysay markii si weyn baraha bulshada loogu dhaleeceeyey shuruudo anshax xumo ah oo lagu soo saaray qoraal lagu xayeysiinayey gabdho cusub oo la shaqaaleysiinayo.

Tifaftiraha ayaa qoraalka xilka looga qaaday ka hor bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu isku casilayo, isagoo dhinaca kale sheegay inuu beri ka yahay warqada fadeexada dhalisay ee ka soo baxday Wasaarada.

Agaasimaha Tv-ga qaranka Faarax Dharaar ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in warqada muranka dhalisay uu si qaldan ay soo saaray xogheyntiisa, waxayna dad badan isweydiinayaan sababta Feysal Muuse dusha looga saarayo faafinta warqadan.

Hoos ka akhriso qoraalka xilka ka qaadista

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) C/wali Gaas oo soo saaray Wareegto lagu magacaabay taliye cusub

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Madaxweyne Ashraf Qaani oo ka cararay Kabul

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Berbera (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---