Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo soo dhaweesay baaq ka soo yeeray wadamada isbaheysiga carbeed

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweysay baaq kasoo baxay Madaxda Waddamada isbaheysiga Carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen.

Halkan ka Akhriso War saxaafadeedka kasoo baxay Xukuumada Soomaaliya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay baaq kasoo baxay Madaxda Waddamada isbaheysiga Carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ee ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo Todobaad oo ka bilaabmaysay 9 April.

War kasoo baxay Soomaaliya ayaa lagu yiri” Waxay Dowladdu ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay si soo afjari karta loolanka siyaasadeed iyo midka nabadgelyo.

Soomaaliya ayaa muujinaysa taageerradeeda dhammaystiran ee Dadaalka Qaramada Midoobey iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, António Guterres.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa waxay xaqiijinaysaa Garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha degaanka Soomaalida Itoobiya oo ka hadlay xariga Cabdi Max’uud Cumar

Caydiid Ali

Esmond Bradley oo maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Nairobi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Safiirka Shiinaha ee Muqdisho oo ka hadlay xaalada ardayda Soomaalida ee ku nool Wuhan

Caydiid Ali