Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiiru dowlihii Wasaarada cadaalada maamulka Hirshabelle sidoo kale ahaa Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Maamulkaasi.
Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow ayaa dhawaan magaalada Muqdisho loo keenay xanuuno hayay, waxaana baaritaan wasaarada caafimaadka ku sameesay ku xaqiijisay in laga helay caabuqa Caronavirus.
Wasiirkan katirsanaa maamulka Hirshabelle oo laga keenay Jowhar ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu daweenayay magaalada Muqdisho, waxaana goordhaw la xaqiijiyay in uu u geeriyooday Caabuqa Caronavirus uu la il darnaa.
Waxa uu noqonayaa Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow shaqsigii labaad ee gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho la xaqiijiyay in uu u geeriyooday caabuqa Caronavirus, waxaana maalmo kahor isla cudurkan u geeriyooday nin Oday ahaa.
Waxii war ah ee kusoo kordhan warkan kala soco Shabakada Allbanaadir Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com