Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sargaal loo heestay dilka Madaxweyne Sheikh Mujibur Rahman oo la dal dalay

Dowlada Bangaladesh ayaa xukun dal dalaad ah ku fulisay sargaal katirsanaa milatariga dalkaasi oo loo heestay in uu ku lug lahaa dil 45-sano kahor loo geestay Madaxweynihii ugu horeeyay dalka Bangaladesh.

Sargaalkan oo lagu magacaabo Cabdul Majiid ayaa lagu dal dalay magaalada Dhaka ee caasimada dalka Bangaladesh, kadib markii lasoo diiday codsi ku aadan in dib loo eego xukunka dilka ah ee lagu riday.

Sida ay ku warantay Warbaahinta Bangaladesh sargaalkan ayaa baxsad ku jiray in ka badan 25-sano , waxaana ugu dambeyn lagu fuliyay xukun dal dalaad ah kadib markii gacanta lagu dhigay.

Madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Bangaladesh Sheikh Mujibur Rahman ayaa la dilay sanadkii 1975-tii xili afgembi milatari uu dalkaasi ka dhacay, waxaana Madaxweynaha lala dilay xubno qoyskiisa kamid ahaa.

Sheikh Mujibur Rahman Madaxweynihii ugu horeeyay ee Bangaladesh ayaa ah aabaha dhalay Ra’isul Wasaaraha Bangaladesh Sheikh Hasina , waxa ayna  gabadhan ku dadaashay sidii cadaalada u marsiin laheyd dadkii dilay aabaheed iyo xubno qoyskiida kamid ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade

Shaqaalaha Soomaalida ah oo loo diiday iney galaan Xarunta Xalane (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Ruushka oo Tijaabiyay Gantaal casri ah oo Xambaari kara Nukliyeerka 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---