Kooxda Taliban ayaa ballan qaaday inay marin aamin ah heli doonaan shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee ka talaabaya dhulka ay maamusho ee dalka Dalka Afghanistan, halka xubnaha kooxda ay bilaabeen olole caafimaad oo ay ku wargalinayaan muwaadiniinta khatarta uu leeyahay fayraska.
Ilaa horraantii Abriil, Afghanistan ayaa laga soo sheegay 367 kiis oo ah cudurka coronavirus’, inkastoo kaabayaasha caafimaad ee waddanka ay liitaan haddana tiradan ayaa u muuqata hooseysa marka la eego dalalka deriska la ah dalkaas sida Iran oo cudurkan uu dad badan ku laayey.
Taliban waxay ku yabooheen inay xabbad-joojin ka hirgeliyaan qaybo ka mid ah Afgaanistaan ayna aad uga xunyihiin dillaaca cudurkaan.
Dhinaca kale, Dalka Siiriya ee dagaalka uu ka socdo, kooxda xagjirka ah ee Hayat Tahrir al-Sham waxay caawisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka, iyagoo talo ka bixinaya sida Siiriya uga ilaalin karaan naftooda iyo qoysaskooda, iyadoo Tirada kiisaska la soo sheegay ee coronavirus ee Suuriya ay hadda ka yar laba iyo toban.
Sidoo kale, Gudaha dalka Lubnaan, kooxda xagjirka ah ee shiicada ah ee Hezbollah waxay soo bandhigtay diyaarado badan oo ambalaas ah waxayna u direen xubno ka tirsan Ururka Caafimaadka Islaamiga ah si ay ugu buufiyaan jeermis dileyaasha goobaha dadweynaha.
Dalka Lubnaan ayaa soo sheegay 541 kiis oo ah cudurka ‘coronavirus’, dowladda ayaa la halgameysa wax ka qabashada faafitaanka masiibada. Waxaa dalkaas curyaamiyay musuqmaasuq iyo dhaqaale xumida.
Dawladda Lubnaan, oo ay ku jirto Hezbollah, waxay u baahan doontaa dhammaan caawimaadda ay ka heli karto si looga jawaabo dhibaatada. Hezbollah waxay u soo bandhigtay kheyraadkeeda la xiriira caafimaadka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com