Allbanaadir.com
NEWS

Faah faahino kasoo baxaya Dil Nabadoon caan ah loogu geestay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeesan ayaa xalay degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen nabadoon caan ka ahaa degmadaasi oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Xaaji Shaahid Kheyrdoon.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in nabadoonka dhalinyaro biskoolado ku hubeesan toogteen xili uu xalay kasoo baxay masaajid kuyaala xaafada Juungal uu kusoo dukaday salaada Cishaha.

Ciidamada booliiska saldhiga degmada Yaqshiid ayaa dilka kadib gaaray xaafada lagu dilay nabadoonka, waxaana la sheegay in ciidamada aysan ku guuleesan soo qabashada ragii ka dambeeyay dilka nabadoonka.

Magaalada Muqdisho amaankeeda ayaa mudooyinkii dambe aheyd mid aad usoo hagaageysay, mana jiro ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilkan xalay loo geestay Nabadoon Xaaji Shaahid.

 

Related posts

Foodo laga cabsi qabo in maanta ka dhacdo Kulanka Baarlamaanka iyo cida abaabuleysa

Cabdi Cade

Biden oo hanjabaadii ugu cusleed u diray Ruushka xili weerar isku diyaarinayaan

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dowladaha waaweyn ee caalamka oo magacii iska bedeshay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---