Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo la dilay

Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegay in xalay kooxo hubeesan oon heebtooda la garan magaaladaasi ku dileen sargaal katirsanaa Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Madaxii Xafiiska Laanta Socdaalka ee Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey) ayaa la dilay xalay xili uu isku diyaarinayay dukashada salaada Maqrib sida goobjoogayaal ku warameen.

Kooxdii dilka geesatay ayaa la sheegay in si deg deg ah uga baxsadeen goobta ay dilka ka geesteen, ciidamada booliiska magaalada Gaalkacyo ayaa ku guul dareestay in ay gacanta kusoo dhigeen ragii dilkaasi fuliyay.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto saraakiil iyo xubno kale oo katirsan maamulka Puntland , waxaana inta badan baxsada raga dilalkaasi geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Heyadda Culimada Soomaaliyed oo soo saartay bayaan xasaasi ah oo ka dhan ah..

Caydiid Ali

DF oo war culus soo saartay & dibed-baxayaal careysan oo burburiyey xarumo dowladeed

Caydiid Ali

Mashruuc faaiido u leh shacabka Berbera oo la bilaabay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---