Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Faahfaahin: Dagaal culus oo dhexmaray Ciidamada Danab iyo Xoogaga Al-shabaab

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dagaal geystay khasaaro kala duwan oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mareykanka uu tababaray ee loo yaqaano danab iyo xoogag ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-marey deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Ciidamada dowladda oo dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka waday degaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 40 km u jira Magaalada Kismayao ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal socdey in ka badan Saacad.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hase yeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda ee ka howlgalla Gobolka Jubbada Hoose ayaa Warbaahinta u sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa Baraha Internet-ka taageera ku qorey in dagaalka ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ay ku dileen 10 askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda inkastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo Shaaca ka qaaday in Biyaha Wabiga Niil sidii ay doonaan u isticmaalayaan

Cabdi Cade

Jeneraal Burhaan oo wacad ku maray in uusan la fadhiisan doonin Jeneraal Maxamed Xamdaan uu ku tilmaamay…

Cabdi Cade

Senatarkii ugu horeeyay ee kamid noqonaya Aqalka sare oo goordhaw la doortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---