Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxmuud (Finish) ayaa maanta shaaciyay in dad kunool magaalada Muqdisho dibadna aan ka imaan u dhinteen cudurka Caronavirus kuwa kalana la il daran yihiin.
Waxa uu tilmaamay Duqa Muqdisho in halista cudurkan uu sii kordhayo, waxa uuna xusay in ay jiraan dad uu yaqaan oo cudurkaasi halista ah u dhintay iyo kuwa kale uu sheegay in xiligan uu hayo.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in aysan been aheyn waxa loo sheegayo shacabka uuna cudurkan soo gaaray Muqdisho dadna ku dilay, waxa uuna ugu baaqay shacabka caasimada in guryahooda joogaan sidoo kale qaataan talooyinka caafimaad ee lasiinayo.
”Muqdisho waa soo gaaray cudurkaas qatarta ah, dad badan ayaa u il daran qaarna waa u dhinteen aan anigu garanayo oon dibad ka imaan oo dalkooda joogay, dadkaasi dhintay qaarna waa la aasay qaarna wali lama aasin ” ayuu yiri Cumar Filish.
Wasaarada caafimaadka Xukuumada Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in dhoor kiis oo cudurka Caronavirus lagu arkay magaalada Muqdisho kuwaa oo laga helay dad dibada ka yimid iyo kuwa magaalada horey u joogay sidoo kale u geeriyooday hal qof oo kaliya.
Hadalkan kasoo yeeray Cumar Filish ee ku aadan in dad badan Muqdisho ugu dhinteen cudurka Caraonavirus kuwa kalana la il daran yihiin ayaan la ogeyn sax ahaanshaha iyo waliba halka uu kasoo xigtay maadaama aysan sheegin Wasaarada caafimaadka .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com