Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa keenay dib u dhaca ku yimid daabacaada lacagta cusub ee shilin Soomaaliga?

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo xafiiskiisa kula hadlayay warbaahinta ayaa ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda, wuxuuna shirkiisa jaraa’id diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin qorshaha deyn cafinta, daabicista lacag cusub oo Shillin Soomaali ah, mideynta canshuuraha dalka iyo qodobo kale.

Waxaa uu sharaxay waxyaabihi ka soo baxay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Washington ee Mareykanka, Wasiirka ayaana sheegay in shirkaasi uu guul ku soo dhamaaday, isla markaana dhamaan wafuudii ay la kulmeen ay u riyaaqeen warbixinadii laga siiyay halka ay marayso Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan si dhaqsi ah loo soo daabacayo lacagta Shillin Soomaaliga, taasoo qeyb ka ah waxyaabaha lagu heshiiyay.

“Waxaa kaloo aan ka wada hadalnay in naloo daabaco lacagta Shillin Soomaaliga, talaabooyinka wixii nalooga baahnaa daabacada lacagtaasina waan buuxinay, waxaa ku baxaya lacag dhan 41 Milyen oo dollar, anaga ma haynee ee halkii laga keeni lahaa ayaan dadaalkeedii ku jirnaa”. ayuu yiri wasiirka Maaliyada.

Magaalada Nairoobi ee xarunta dalka Kenya ayuu sheegay in dhawaan ay kula shiri doonaan hay’adda lacagta addunka, si loo dhameystiro dadaalada ku aadan in Soomaaliya deynta laga cafiyo, taasoo uu rajo wanaagsan ka muujiyay.

“Bisha may ee soo socota todobadeeda waxaan isugu tagaynaa Nairobi, waxaan ka wada hadlaynaa inaan soo xirno wejigii hore ee tijaabooyinka ama imtixaanada deymaha nalooga cafinayo, waxaana ka mid ah horumarinta hanaanka maamul Maaliyadeed, waxaa kale oo qeyb ka ah in la mideeyo canshuuraha dalka, maadaama aanu nahay hal dal, waxaanu rajaynaynaa in sanadka dambe ay soo dhamaadaan dadaalada deymaha nalooga cafinaayo”. ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wuxuu soo hadal qaaday tirakoobka shaqalaaha dowladda iyo guud ahaan ciidamada marka laga eego xagga bixinta mushaharaadka,wuxuuna ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay horumarinta hannaanka maamul maaliyadeed ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

DF oo sheegtay iney diyaar u tahay wax ka bedelka Guddiga doorashada

Caydiid Ali

Diyaarad dagaal oo Mareykanka leeyahay oo bur burtay iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo kulan sagootin ah la qaatay Wakiilka QM ee Soomaaliya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---