Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Kolonyo ay wateen Ciidanka AMISOM oo lagu weeraray gobolka Shabeellaha dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax xoog leh lala beegsaday Ciidanka AMISOM gaar ahaan qeybta Burundi meel u dhow degaanka Gololey xili ay ku jireen socod roondo ah.

Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkan lama oga balse dadka degaanka waxaa ay sheegeen in ay arkeen gaari kuwa ciidamada oo qaraxa uu burburiyay.

Wali wax war ah kama soo bixin taliska AMISOM, laakin Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa, iyagoo xusay iney khasaare xoogan ugu geysteen ciidamada qaraxa ay la beegsadeen.

Wadada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ayaa aheyd mid aad u halis badan ka dib markii xoogaga Al-Shabaab ay ka geysteen dhowr jeer weerar oo lagu waxyeeleeyay ciidamada AMISOM iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulamo Xasaasi ah oo caawa ka socda Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Maraykanka oo ka hadlay shirka Muqdisho uga furmaya Madaxda Soomaalida

Caydiid Ali

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan oo kala saxiixday heshiis cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---